RW Rooble oo si gaar ah umacsalaameeyey xubno katirsanaa xafiiskiisa

0

Ra’iisul Wasaaraha Xafiiska ka sii tagaya ee XGS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyay Golahiisa Wasiirrada iyo howl wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsaneyd ee ay ula shaqeeyeen iyo howlihii baaxadda lahaa ee ay dalka u soo qabteen.

Ra’iis Wasaare Rooble ayaa wasiirrada u rajeeyay mustaqbal siyaasadeed wanaagsan, isagoo kula dardaarmay in ay qof waliba intii karaankiisa ah dalka ugu adeego.

Dhanka kale Xubnihii Golaha Wasiirrada ee kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu u soo hogaamiyay xukuumadda iyo si gaar ah howlihii doorashooyinka dalka oo si guul iyo nabad ah ku soo dhamaaday.

Ra’isul Wasaaraha ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay qaar ka mid ah howlwadeennada Xafiiska  Ra’iisul Wasaaraha.