RW Rooble oo madaxtoyada kulan kula qaatay Midowga Musharaxiinta iyo go’aan ay wada gaareen

0

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay xubnaha Midowga Musharaxiinta kuwaa oo uu kala hadlay arrimo dhowr ah.

Ra’isul Wasaaraha iyo Midowga Musharaxiinta ayaa marka koowaad kulankooda uga hadlay sidii cadaalad loogu heli lahaa kiiska Ikraan Tahliil looguna simi lahaa hay’addaha Garsoorka oo kaliya.

Musharaxiinta ayaa Ra’isul wasaaraha u  muujiyay sida ay ugu qanacsan yihiin hogaamintiisa iyo waliba dardargelinta kiiska Ikraan Tahliil si cadaalad loo horgeeyo islamarkaana uu ka ilaaliyo dhinaca Farmaajo oo doonaya in kiiskan la baa’biyo.

Musharaxiinta ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimaha doorashada iyo dardar gelinteeda iyadoo la isla meel dhigay sidii loo soo wadi lahaa howlaha doorashooyinka.

Waxaa dhanka kale ay kawada hadleen doorashada Golaha shacabka oo la flayo iney dhawaan bilabato iyagoo tilmaamay iney muhiim tahay in odiyaasha loo daayo soo xulidda ergooyinka.

Muqdisho-Somalia