RW oo kulan fool ka fool ah isugu keenay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed+Heshiis la gaaray

0

Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed

Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.

Khilaafka doorashada meelaha ugu waaweyn ee la isku hayo waxaa kamid aheyd arrinta kuraasta Gobalada Waaooyi oo heer kala duwan soo martay.

Dhawaan ayey aheyd markii guddiyada doorashada Somaliland ay doorteen gudoono iska soo hor jeeda oo la kala safan Cabdi Xaashi iyo Mahadi Guuleed taa oo mugdi gelisay in doorashada ay ku qabsoonto waqtiga loo qorsheeyay.