RW Kheyre & Waare oo Khadka Internetka ku wada hadlay & Go’aan ka soo baxay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka joogtada ah ee Guddiga Qaran ee xakameynta Cudurka Safmareenka ah ee COVID19,kaas oo looga hadlay arrimaha dhowr ah.

Kulanka oo u qabsoomay hab muuqaal Internetka ah sababo la xiriira Cudurka Coronavirus ayaa waxaa markii ugu horeeysay ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare,isaga oo kala hadlay arrimaha fatahaadaha iyo ka hortagga COVID-19.

Madaxweyne Waare ayaa Guddiga siiyay Warbixino la xiriira sida ay u socdaan xaalaha gurmadka fatahaadaha iyo ka hortagga Cudurka,waxaana uu Dowladda Soomaaliya ka codsaday inay garab ka siiyaan Maamulka la tacaaliada xaaladaha ka jira Hir-Shabeelle.

Xubnaha guddiga oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Soomaaliya ay ku garab taagan tahay Maamulka Hir-Shabeelle dadaalada loogu jiro la tacaalida xaaladaha fatahaadaha iyo Cudurka COVID-19.

Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa waxaa uu kamid yahay Maamul goboleedyada xiriirka wanaagsan uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya,waxaana dhawaan ay dowladda u dirtay lacag wax looga qabanayo xaaladaha fatahaadaha taas oo ay ku deeqeen dowladaha taageera Soomaaliya.