RW Kheyre oo Runta loo sheegay & Fariin Lagu shaaciyay Arimo xasaasi ah

0

Jamhuuriyada fadaralka ah ee Somalia

Dowlad goboleedka Galmudug

To.Xassan Cali Khayre raiisul wasaraaha Somalia

To Cabdi Maxamed Sibriye wasiirka arimaha gudaha Somalia

Og Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) madaxweynaha Somalia

Jeeddo. Warqad furan

Anigoo ka amba qaadaya halka hada wax marayaan indhahana ku haya isbadalada muuqda kuwaas oo huwan umuuro isku miliqsan marka la eego marxalad kala guurka ah isku guurkana noqon karta ee ka taagan Galmudug,anigoo cabiraya rayigayga ku qotoma abaarta manta iyo taladayda waxaan idiin soo gudbinayaa warqadaan furan oo aan door biday in aan warbaahinta idiin mariyo;
Mudanayaal waxaad isku howsheen isbadal siyaasadeed iyo mid dhaqan dhaqaale in aad ka samaysaan dhulka bartamaha Somalia dhaca ee dadkiisu ka kan yihiin laguna tilmaamo hooyada kicinta iyo dajinta Somalia oo dhan(Glamudug),waxaad kala laaban doontaan hadaad nooshihiin guul muuqata iyo guul daro muuqata mid oon sidaas darteed waxaad astaahishaan in la idinla taliyo,hadaba waxaan idin kula talinayaa intaan;

Ugu horayn ninbaa wuxuu ku mahmaahi jiray SUUQ MA WAYDIDE SOOF HA WAAYIN taas oo micnaheedu yahay xoolaha cid kaa gadata wayn mayside horta si fiican u xanaanee, sida aad ogtihiin siyaasadu waxay leedahay hab loo soofiyo oo loo xanaaneeyo taas oo ka dhigi karta siyaasada mid buurran ama mid caato ah sidoo kale suuqa siyaasada waxaa tayeeya siyaasiga saxada ku jira ee markaas waqtigu u saamaxo in uu hugaanka hayo wuxuuna siyaasada ka dhigaa mid tayo leh ama mid jaaffo ah waxayna ku xirantahay xullashadaada shaqsiga sidaas darteed waxaan ku talinayaa in aad tayaysaan dadka siyaasada ku soo biiraya gaar ahaan halka sartu ka quruntay oo ah wakiilada shacabka (xildhibaan) oo u gaar noqonaya ama tawalinaya umuuraha shacabka taas oo ay ku xiran tahay mustaqbalka jiilasha dambe xitaa hadba sida ay e kaadaan kuwaasi sidaas darteed ka fiirsada kuwa dadka ku matali doona kuraasta aas aaska ah .

Muddana yaal waxaan soo maray suuqa waxaa ku xiran laguma arko waxaan jaafo ahayn ha isku gadanina inta badan kuwa hada u sharax in ay noqdaan matalayaasha shacab, waa laga yaabaa in ay raqiis yihiin laakiin waxay u badan yihiin GACANTAY GALAAN KAMA BAXE DHAG XUN oo aan waxba ka badali karin baahiyaha shacabka ee xiligaan.

Mudanayaal hada waxaa idin sugaya oo baqshadaha waraaqo ka buuxsaday rag iyo dumar aan u qalmin matalaada shacabka kuwaas oo doonaya in ay ka soo muuqdaan liiska loo dhaarin doono xildhibaanada Galmudug ee 4 sano ee soo socota waxayna kaliya maskaxda ku hayaan in aan loo baahnayn hufnaan laakiin loo baahan yahay in ay taageeran yihiin kaliya madaxda qaranka hadaba taas beeneeya oo shuruudaha adkeeya
Ugu dambayn maskaxda ku haya arafadii 2015 dadkii la soo xulay in ay ku qasaareen kuwii keenay, waxay ahaayeen aragtideyda kuwo aan ku haboonayn in ay shacabka ku matalaan kuraas noocaan ah sidaas darteed iska jira taas oo mar kale dhacda


Cilmi Nuurre
Cilminure@gmail.com