Soo dhaweyn aan caadi aheyn oo qalbi dhagax loogu sameeyey Muqdisho

0

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada xilgaarsiinta soomaaliya Engineer Maxamed Xuseen Rooble ayaa hirgeliyey go’aankiisii Muqdisho uu ku keenayey c/kiriin sheekh muuse (qalbi dhagax).

Sida la qorsheeyey Rooble ayaa doonaya in maalinta doorashada qeyb ka noqdo qalbi dhagax laguna marti qaaday hoolka Afisiyooni.

Rooble ayaa waxa uu juhdi badan geliyey sidii qalbi dhagax oo aad uga soo horjeeda dib udoorashada Farmaajo ahaana midkii amray in Dawlada Itoobiya loo gacan geliyey 2017-kii.

Galabta ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cade iyadoo wasiiro katirsan Xukuumada & xildhibaano katirsan kuwa laga soo doortay Jubbaland ay soo dhaweyntiisa ka qeyb galeen.

Xafiiska madaxweyne farmaajo ayaa kasoo horjeeday in qalbi dhagax lagu marti qaado maalinta doorashada,welina arintiisa waa ay taagan tahay dooda ka dhalatay.

Sida la dareemayo ayaa ah in Qalbi dhagax Xukuumada Rooble geyn doonto hoolka Afisiyooni weliba qur’aanka furitaanka inuu akhriyo ayaa loo wadaa.