Rooble oo safar ku tagaya mid kamid ah maamul Goboleedyada iyo shaqada uu ka soo qabanayo

0

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegeya in ay u badan tahay in RW, Maxamed Xuseen Rooble, uu maalmaha yar ee soo aaddan u safro magaalada Kismaayo oo haatan ah xarunta KMG ee Jubaland.

Md Rooble ayaa Kismaayo u tegaya turxaan bixinta arrimo la xariira doorashada Soomaaliya iyo dhameystirka heshiis laga gaarey arrintii lagu muransanaa ee Gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Garbahaarreey oo ah xarunta Gedo kana mid ah 2 magaalo oo Jubaland looga qoondeeyey in doorashadu ka dhacdo.

Waxyaabaha kulankan diiradda lagu saarayo ayaa noqon doona arrimo farsamo kaddib markii mabda’iyan loo heshiiyey, waxaana la doonayaa in la sameeyo tab ay halkaa uga dhici karto doorasho nabdoon, maadaama aysan dadka degaanku sidaa ula dhacsanayn nidaamka Axmed Madoobe.

RW Rooble oo ilaa haatan si habsami leh u wada arrimaha loo igmaday ee doorashada ayaa sidoo kale Axmed Madoobe la jeex jeexi doona magacaabista maamul cusub oo ay yeelayo Deg. Garbahaarreey.

Dhanka amaanka, waxaa uu qorshuhu yahay in Ciidamada Booliska AMISOM la geeyo Garbahaarreey, si ay iyagu ula wareegaan sugidda amaanka doorashada halkaa ku qabsoomaysa.

Si kastaba, waa markii ugu horreeysey ee uu RW Rooble booqdo Maamulka Jubbaland oo ah midka qura ee aanu cag dhigin tan iyo markii la magacaabay, waxaase booqashadiisu xigi doontaa marka uu Kismaayo ku laabto Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi.

Muqdisho-Somalia