Rooble oo Kormeeray Dhufeysyadii Muqdisho kadibna Galabta la wada qaaday (Sawirro)

0

Ra’iisiul Wasaaraha Xukumadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray furista qaar ka mid ah jidadkii ku xirmay xasaradihii Muqdisho tan oo qeyb ka ah hirgelinta heshiiskii xalka looga gaaray qalalaasihii ka dhacay caasimadda.

Waxa uu tegay Mirinaayo,siigaale,barmuuda iyo Fagax iyadoo la qaaday caro tuurkii la dhigay halkaasi.

Xildhibaanada mucaaradka ahaa balse hadda qeybta ka ah Guddiga la magacaabay ayaa goob joog ka ahaa.

Rooble oo saxaafada kula hadlay Mirinaayo Oo ku taalla Kaaraan ayaa sheegay inay wejigii koobaad ku guuleysteen xasiloonidii caasimada Muqdisho lasoo celiyo.

Ciidamada meliteriga ee Gadoodka sameeyey ayaa dib ugu laabanaya xeryaha ay ka yimaadeen labo isbuuc ka hor kadib heshiis la gaaray.