Rooble Oo Galabta Amar kale siiyey Madaxda Dawlad gobolleedyada ee laga sugayey Xubnaha

0

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta waxa uu warbixin ka dhageystay Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa gudiggaan waxa uu faray in habraaca hubinta la marsiiyo  xubnaha cusub ee ay soo magacaabeen dowlad-goboleedyadu, isagoo ku baaqay in xubnaha harsan dhaqso loo soo gudbiyo.

Dhawaan ayey markii 34 Xubnood laga saaray liiska Guddiyada Doorashada kadib markii cabasho laga keenay inay ahaayeen shakhsiyaad Laamaha Amniga iyo Shaqaale Dawladeed.

Gudoomiyaha Guddigaan sidoo kalena ah Wasiirka Waxbarashada Dalka C/llaahi Carab ayaa sheegay in guddigoodu uu wakhti ku bixinayo xaqiijinta xubnaha cusub ee lasoo magacaabayo.

Lama sheegin maamul gobolleedyada soo magacaabay iyo kuwa weli harsan ee guddiyada laga sugayey soo gudbiyey,iyadoo hubin dheeraad ah Ra’iisalw asaaraha uu dalbaday in lagu sameeyo xubnaha cusub ee lasoo magacaabay.