Reer Gedo Oo Siyaasad Darteed Loo Dayacay!

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradkeeda ayaa u muuqda kuwo siyaasad ddarteed u dayacay dad Soomaaliyeed oo ku dhamaanaya gobolka Gedo.

Gobolkan oo lagu xaglinayo Madaxweynaha ayeey dadkiisa u dhamaanayaan abaar baahsan, iyadoo sheeda laga daawanayo.

Siyaasiyiinta maalin walba buuqa iyo qalqalka amni ku haysa Muqdisho ayaa ah kuwo aad moodo in kumanaan qof ay ka doorteen danahooda gaarka ah.

Dowladda qudheeda waxa ay ka gaabisay u gurmashada dhabta ah ee dadkan, wahaddii ay dowladda si sax ah ugu gurman lahayd mucaaradkii ayaa dhan kale ka dhigaya iyaga oo u ekeysiinaya in madaxweynaha uu dadkiisa kaliya wax siinayo.

Guud ahana shacabka Soomaaliyeed waxaa la gudboon iney u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen ree Gedo oo maanta halis weyn ku jira.

WARQAAD MEDIA
MUQDISHO, SOMALIA