Rajada lafta gareen ee la sugayo,Tirada xildhibaanada la doortay KGS & kuwa Harsan

0

Dawlad gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo gaba gabeeyey kuraasta doorashada golaha shacabka ee laga sugayey ee deegaan doorashadooda aheyd Baraawe.

Baydhabo iyo Baraawe kuraasta taallay ayaana la sheegay in ay kusoo baxeen xildhibaano badankood cusub oo siyaasada hore aan ugu jirin.

Inkastoo 19 Kursi ay hadda yaallaan Baydhabo weli doorashadooda dhiman tahay hadana dadka badankood ayaa rumeysan in shakhsiyaad gaar ah loo xiray.

Doorashada golaha shacabka ayaa inta badan lasoo saaray xubno lagu wado in ay noqdaan kuwo codkooda lagu xisaabtamo,iyadoo Madaxweyne Lafta gareen lasugayo in uu isa soo sharaxi doono.

Gudoomiyaha guddiga SEIT Ee doorashada KGS Yuusuf Cabduqaadir Baafo ayaa ka warbixiyey sida howsha ay socoto doorashada golaha shacabka Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA