Ra’isul Wasaare Rooble oo xafiiskiia kulan xaaasi ah kula yeeshay wafdi heer sare ah oo ka socday Qatar

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee  wasiirka arrimaha dibadda Qatar u qaabilsan dhexdhexaadinta iyo la dagaallanka argagixisada Mudane Multaq  Alqahtani.

Waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, la dagaallanka argagixisada iyo Arrimaha  doorashooyinka dalka.

Ergayga gaarka ah ee ka socday Dowladda Qatar, ayaa gaaray aqalka Madaxtooyada Waxaana la socday Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Ergaygan gaarka ah ayaa xalay fiidkii kulan la qaatay wakiilada Beesha caalamka ee ku sugan Xalane.

Dr Mutlaq,  ayaa caawa kulan la qaadan doono midowga Musharixiinta Sida ay sheegeen ilo muhiim ah.

Dowladda Qatar ayaa lagu eedeeyaa iney xiriir dhaw la leedahay Farmajo iyo Fahad kuwaa oo si xowli ah ay u taageerto waxaana loo arkay mid ka dhan ah nabad galayada iyo xasiloonida Soomaaliya..

Ergadan ayaa sheegeysa iney taageersantahay doorasho hufan oo dalka ka dhacda iyadoo xustay iney midaas gacan ka geysanayaan

Muqdisho-Somalia