Ra’iisul Wasaaraha cusub ee XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa si rasmi ah maanta ula wareegay xilka Ra’iisul Wasaarahii hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble kadib munaasabad maanta lagu qabtay Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble waxa la magacaabay habeenkii 17ka September 2020 kadib markii la saxiixay hishiiskii 17ka September , kaas oo laga ilaalinayay inuu erey ku yeesho oo kaliya ka ahaado fuliye ,laakiin Hishiiskaas hargalintiisa waxa sida la la ogyahay uu ku dhamaaday gacmaha RW Rooble.
Hishiiskaas 17 Septemeber waxa uu ahaa mid madax iyo manjo la isaga xiray oo loogu talagalay in aan waligiis hirgalin ,sababta oo ah waxaa ka horeeyay Dhuusamareeb kow iyo labo oo wareerin siyaasadeed ahaa maadaama NN ay kaliya u caddeyd waddo la yiraahdo muddo kororsi .
Waxa dalku galay mugdi iyo xaalad jahawareer ah oo dadka Soomaaliyeed ay aamnineen in dalku uu la galayo faraha colaad sokeeye ,waxa ciid lagu jaray waddooyin badan ,waxaa magaalada soo galay ciidamo la baxay Badbaado Qaran . Rooble oo uu diirnaxaya dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Muqdisho ayaa ilaah uu waafajiyay inuu yiraahdo Maya isaga oo kaashanaya Madaxda Dowlad Goboleedyo qaarkood.
Dhib halkaa kuma harin ee waxaa bilwoday lug jiid toos ah ,qolyihii NN waxa ay yareysteen awooddii RW . Rooble waxa ku dhacay cadaadis dhan walba ah . Markuu xaqiiqsaday in aan luqaafo laga deyneyn ayuu goostay in uu yac iska yiraahdo duulaanka dul saarnaa.
Rooble waxa uu muujiyay calool adeyg xad dhaaf ah ,waxa uu goostay in dalka uu doorasho ka hirgaliyo taas oo aheyd wadiiqada kaliya ee lagu kala badbaadi karay iisaguna aanu tartamin sidii dhici jirtay . Waxa soo maray maalmo adag . Mid ka mid ahaa maalmahaas waxaa ka md ahaa 27 Dec 2021 oo Bayaan ka soo baxay xafiiska Madaxweynihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku sheegay inuu shaqadii ka joojiyay Ra’iisul Wasaarihii Rooble . Waxa xigay in isla subixii lagu yiraahdo Xafiiskaaga ma tagi kartid . Subaxaas RW Rooble waxa uu u sheegay taliyayaasha ciidamada inuu xafiiskiisa tagayo,dastuuriyan aan xilka laga qaadi karin oo waliba u lugeynayo ,waana uu ka dhabeeyay oo lug buu maalintaa xafiiskiisa ku galay.
Maalinta labaad ee mixnadda aheyd waxa ay aheyd waa maalintii dhaarinta Guddoonka Gollaha Shacabka , Taliyihii Booliska General Xijaar waxa uu sheegay in aanu damaanad qaadi karin amniga doorashada Guddoonka . Rw Rooble oo ka yimid maalintaas Geneva ayaa ku sugnaa hoolka VIP Garoonka Aden Cadde si looga dhabeeyo in doorashada Guddoonku ay qabsoonto ,waxa u yimid oo ku soo biiray Madaxweynaha hadda Xasan Shiikh ,Madaxweynaha Puntland Deni ,Madaxweynihii hore Shariif Shiikh Axmed iyo C/kariin Guuled oo dhamaantood Musharraxiin ahaa.
Dad badan oo ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka ,Musharraxiinta qaarkood ,Rooble sida uu doorashada uga dhabeeyay mucjiso ayay aheyd iyo lama filaan .
Rooble wuxuu mudan yahay in wixii uu dalka u qabtay Raxmaanka kadib in isaga looga mahad celiyo.
Waxaa farxad ii ah in aan ka mid ahaa dadkii sida dhow ula shaqeeyay.
W/Q: Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimow
Muqdisho-Somalia