Ra’iisal Wasaare Rooble oo maqribkii kadib soo saaray war cusub (AKHRISO)

0

Kooxda Farsamada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Arbaca yeeshay kulan ay diiradda ku saarayeen arimaha farsamo ee mudnaanta u leh Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya si uu habsami uga fuliyo howlaha doorashooyinka ee uu xilsaaran yahay.

Guddigaan waxaa uu  raisal wasaaraha ay ka taageeri doonaan:

  1. In qodobadii heshiiska lagu gaaray shirkii Golaha wadatashiga Qaranka 27 ka May 2021 loo fuliyo si habsami ah.

2.Xiriirinta dhamaan hayadaha ku shaqada leh arrimaha doorashooyinka si  loo  hagaajiyo habsami u xiriirka hayadaha wada shaqeynaayo

  1. In taageero farsamo uu siiyo guddiyada doorashooyinka.

4.Xiriirinta XR, Golaha wadatashiga qaranka iyo bessha caalamka.

Doorashooyinka Soomaaliya waxa maamulaya hirgalintooda guddiyada madaxa bannaan ee heer Federal FIET iyo Heer dowlad Goboleed  SIET iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Dhinaca kale war uu soo saaray Maqribkii kadib Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxa uu ballan qaaday hoggaaminta geeddi socod  doorasho oo deg deg ah laguna kalsoonaan karo ayaa magacaabay koox farsamo oo qaabilsan hagidda iyo isu duwidda qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ee doorasho xilligeeda ku dhacda, xor iyo xalaal ah, kuna saleysan heshiiskii 27-kii May.

Kooxdan ayaa xiriirin doonta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.