Ra’iisal wasaare Rooble Oo Deg deg loo faray inuu kusoo laabto Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta soo gabagabeeyay safar 3 cisho qaatay ee ku tagay Baydhabo ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uu joogay Koofur Galbeed waxa uu xarigga ka jaray mashaariic kala duwan oo isugu jira Iskuullo, xarumo caafimaad iyo adeegyo kale oo dowladdu ka hirgaliay Koofur Galbeed Soomaaliya. Sidoo kale Ra’iisul Rooble ayaa dhagax dhigay dhowr mashruuc oo ay ka mid yihiin xarumo caafimaad, dhismeyaal wasaaradeed iyo goobo waxbarasho oo Dowladda Federaalka Soomaaiya ka hirgalineyso Koofur Galbeed Soomaaliya.

Warqaad ayaa heshay war sheegaya in Ra’iisal wasaare Rooble deg deg loogu yeeray inuu kusoo laabto Muqdisho.

Caawa ilaa Berri Kulamo inuu dhexmaro ayaa la rajeynaa Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Dalka oo Arimaha soo kordhay Doorashada iyo sida laga yeelayo baaqa Beesha caalamka soo jeedisey ayaana ay ka hadli doonaan.