Home WARARKA Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Ka Yaabsaday Madaxda Jubbaland Maanta Markii Goob Weyn...

Ra’iisal Wasaare Kheyre Oo Ka Yaabsaday Madaxda Jubbaland Maanta Markii Goob Weyn La Tegay [SAWIRRO]

0
SHARE

Goob dalxiis ayey utahay Jubbaland Deegaanka Goob weyn Ee Duleedka Magaalada Kismaayo,halkaas oo la geeyo cid walbo oo Madax Ah Magaaladaasina Tagta.

Waa goob ku wacan degganaanta Nafta iyo Nasiinada guud,Ciidamada Amniga Dawlada iyo kuwa Jubbaland ayaa aad u adkeeyey Amaanka Deegaanka oo ay Mas’uuliyiintani maanta gaareen.

Sawirro ay qaadeen Wafdiga Kheyre Qeybta Warbaahinta ayaana loo diray Warbaahinta iyadoo Wariyeyaasha Kismaayo aysan raacin Wafdigaasi Markii ay Goob weyn maanta tagayeen.

Sawirada Qaar ayaa la arkayey Ra’iisal Wasaare Kheyre oo Istaafkiisa ay aad ugu soo dhawaadeen Axmed Madoobe,xilli Istaafka Axmed Islaam ay safka dambe kusugnaayeen,taas oo sawirada qaar calaamad su’aal la saarayey.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE