Qorshe Xilka looga qaadayo madaxweyne Waare oo socda+(Hal arrin oo uu ku muteystay)

0

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya inuu socdo qorshaha diyaarinta Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Xildhibaan Cabdi Faarax Kala dire oo kamid ah Xildhibaanadda baarlamaanka Hir-shabeelle ayaa sheegay in qorshaha Mooshinka uu socdo,islamarkaana dhawaan lasoo bandhigi doono.

Waxa uu sheegay in Madaxweyne Waare uu ku fashilmay Hogaaminta Hir-shabeelle,mudooyinkii dambana uu maamulka galiyay xaaladd aan daganeen,sidaas darteed ay ugu baaqayaan in uu iscasilo.

Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa inta badan lagu eedeeyaa in uu ka dambeeyay qalalaasihii ka dhacay magaaladda Beledweyne kadib markii uu xilka ka qaaday gudoomiyihii gobolkaas yuusuf Dagabeed.