Qoor Qoor oo hal jufo u xiray doorashada kursiga HOP64 oo Saddex beel ay wadaagaan

0

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed Galmudug ayaa  shaaciyay Odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ee soo xulaya afar kamid kuraasta gollaha shacabka oo deegaan doorashadooda tahay Galmudug kuwaa oo ka soo jeeda hal jufo.

Guddiga ayaa soo xulay odiyaal kasoo jeeda hal jufo iyadoo kursigan uu ka dhaxeeyo Saddex jufo waxaana jufadan kursiga loo xiray la dhahaa Absuge kuwaa oo ku fadhiyay 8 sano,  iyadoo kursiga uu kala dhaxeeyo jufooyinka kala ah Dhagaweyne Cumar iyo Faqay.

Kuraasta la shaaciyay odayaasha iyo bulshada rayidka ee ergada soo xuleysa ayaa kasoo jeeda Beesha Wacaysle.

Qoor Qoor ayaa boob ku hayo doorashada Galmudug gaar ahaan kuraasta Wacaysle iyadoo ay xusid mudantahay inuu Qoor Qoor doorashada u xirayo shaqsiga uu wato.

Guddiga doorashada dowlad goboleedka Galmudug ayaa sidoo kale dib u dhigay odayaasha iyo ergada soo xuleysa dhoor kursi oo kale kuwaa uu khilaaf ka jiro dhinaca odayaasha iyo bulshada soo xuleysa.

Hoos ka akhriso: