Qoor Qoor iyo Filish oo ka wada hadlay codsi ka yimid Farmajo

0

Waxaa kulan saacado badan qaatay wada yeeshay Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulanka ayaa waxa uu ka dhacay hoyga Qoor Qoor uu ka dagan yahay Xamar, waxaana halkaas ku booqday Cumar Filish gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Qoor Qoor iyo Filish ayaa kawada hadlay  xaaladaha guud ee dalka, waxuuna kulankaan ku soo aaday xili ciidamadii ka gadooday muddo kordhinta ay ku laabteen fariisimahooda.

Xogo aan kulanka ka helnay ayaa sheegaya in Filish uu yahay wakiil ka socda Farmaajo islamarkana uu doonayo in Qoor Qoor uu ku qanciyo sidii uu daacad ugu ahaan lahaa Farmaajo.

Waxaa la ogyahay in Gudoomiyaha Gobalka Banaadir uusan ka hadlin xaaladda siyaasadeed ee ka taagneyd Muqdisho iyo dagaalkii koobnaa ee ku dhexmaray mucaaradka iyo ciidamada dowladda ee sida gaarka ah u tabaran.

Waxaa god dheer ku sii dhacaya rajadii uu Farmaajo ka qabay Soomaaliya kaa oo dunida ay u aqoonsatay nin jid iyo jiho diid ah maadama ay ka hor imaadeen dhinacyadii uu ku tashanayay.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuusan ka qeyb galin tartanka doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya maadama ay hareysay fadeexado waa weyn oo kala duwna.

Muqdisho-Somalia