Qof lagu dhex dilay Xarun Shirkadda Hormuud ku leedahay Muqdisho

0

Waxaa galabta ay Toogasho ka dhacday Degmada Yaqaashiid waxaana soo baxaya faah faahin dheeraad ah.

Qof ayaana lagu dhex dilay gudaha shirkadda Hormuud laanteeda Suuq bacaad.

Wararka ka imaanaya Degmada yaaqshiid ayaa sheegaya in mid ka mid ah ilaalada Shirkadda Hormuud ee Suuq bacaad uu gudaha xaruntaasi ku dileen qof dhar shacab ah watay islamarkaana xirnaa Mindi ama Tooreey, waxaana Wararku ay sheegayaan in uu ka dhega adeegay in uu Hubka dhigo.

Ciidamada Booliiska Degmada Yaaqshiid iyo Maamulka Degmada ayaa Goobta gaaray waxayna qaadeen Maydka Ruuxa la dilay.

Waxaa lasoo sheegayaa in ismaan dhaaf dhacay uu waardiyaha shirkaddaasi isku dayey inuu ka celiyo uuna ku talo gelin toogashada.