Home WARARKA Qiso Murugo Leh: Waxay Naafo Ka Dhigeen Lugteyda Laakiin Ma Aysan Naafeyn...

Qiso Murugo Leh: Waxay Naafo Ka Dhigeen Lugteyda Laakiin Ma Aysan Naafeyn Riyadeyda

0
SHARE

Qaar ayaa ku qosla, kuwa kale waxay u sheegaan inuusan guuleysaneyn laakiin rajada xooggan ee ka muqata darteed Abdulrahman Abu rawaa wuxuu u caddeeyey dadkaas iney qaldan yihiin.

Isagoo leh hal gacan iyo hal lug ayuu si fudud ugu wadi karaa Baaskiilka waddooyinka ciidda leh ee magaalada Gaza.

Wuxuu xakameeyaa badeelka Baaskiilka kuna miisaamaa culeyskiisa taasoo uu si fudud ugu dhaqaajiyo Baaskiilka. Aad ayey ugu fududdahay inuu gaaro deriskiisa deggan xaafadda Bedouin ee dhacda woqooyiga marinka Gaza.

“Inaan barto sida loo wado Baaskiilka waa mid ka mid ah guulaha waaweyn ee aan gaaray. Uma muuqan iney dhaceyso laakiin xaqiiqdii waa ahaatay,” ayuu yiri Abu Rawaa.

“qof kasta wuxuu igu lahaa waa Qatar; dadka qaar waa I cambaareeyeen waxayna iga dhigteen wax lagu maadsado laakiin caqbadahaas oo dhan waan ka gudbay waxaana u caddeeyey kuna qanciyey nafteyda iyo kuwa kaleba in Naafo-nimadeydu aysan xaqiiqdii ahayn mid anigoo dhan naafo iga dhigeysa.”

Dhalashadiisa isagoo gacan naafo ka ah kaddibna waayey lugtiisa markii laba qalliin lagu sameeyey kama dhigin mid ka hor-istaagta inuu ku noolaado nolol caadi ah sida dadka kale ee aan naafada ahayn.

Xigasho: Bashiir Maxmud

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE