Qisada 3 wiil walaalo ah oo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab wada galay

0

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda Gobollada dalka qaar ayaa waxaa kacdoonkaasi qeyb ka ah Shacab is abaabulay oo doonaya inay xoreystaan deegaanadooda.

Diyaarad shalay ciidamo ka qaaday Muqdisho ayaa waxaa ka mid ahaa Askarta 3 wiil dhalinyaro ah oo wada dhashay/walaalo ah, kuwaas oo lagu kala magacaabo Asad Ali Halane, Abdihakiin Ali Halane iyo Abdifitah Ali Halane , waxaana dhalay hal hooyo.

Waxay go’aan ku wada gaareen in ay kaalin ka qaataan xoreynta deegaanada ay reerkoodu ka deggaan Galmudug, gaar ahaan gobolka Gal guduud, sida Ceelbuur, Ceel-laheley, Ceel-garas, Ceel-qooxle, Xiindheere, Ceel-meygaag, Habaas weyne, Gog-Dhurwaa, Garabla’, Cimadle iyo deegaanno kale oo badan.

Sida magacooda ka muuqata,abtiriskooda waa dhashii Generaal Maxamed Cabdulle Xalane oo ahaa geesi god u galay Calanka Soomaaliya, kaas oo loogu magac daray xerada Xalane,ee hadda Xubnaha Beesha caalamka ku shaqeeyaan kuna taalla gudaha Garoonka Muqdisho.