Qaraxyo caawa ka dhacay gudaha Magaalada Beled weyne

0

Wararka caawa inaga soo gaaray magaalada Beled weyne ee caasimada gobolka hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi jugta qaraxyo xooggan.

Dadka deggan xaafadaha xaawo taako iyo nuur xawaad ayaa waxay sheegeen in ilaa seddex qaraxyo ay maqleen jugtooda.

Saraakiisha amniga gobolka iyo kan degmada Beled weyne ayaa ka gaabsday ka hadalka qaraxyadii caawa dhacay.

Warar kale ayaa tibaaxaya in jugta la maqlay ahaayeen hoobiyeyaal kusoo dhacay xaafadaha qaar magaalada Beled weyne.

Weli lama oga khasaaro hadii ay ka dhasheen qaraxyadii caawa la maqlay,waxaana ciidamo la baxay xasilinta magaaladaasi dhawaan la geeyey howlgal amni xaqiijin ah sameenayey.