Home WARARKA Qaraxyo Ay Maleegeen Al Shabaab Oo Lasoo Bixiyey & Xaalka Jubbaland Oo...

Qaraxyo Ay Maleegeen Al Shabaab Oo Lasoo Bixiyey & Xaalka Jubbaland Oo Meel Xun Gaaray [Sawirro]

0
SHARE

Ciidamada Jubbaland ayaa waxay sheegeen inay ku guuleysteen inay ka hortegaan Qaraxyo Shabaab ay ku duugeen Deegaanka Araare.

Howlgal gaar ah oo ay Ciidanka Nabad sugida Jubbaland fuliyeen ayaa lagu soo saaray Afar miino islamarkaana la sheegay in Laga war helay Dhagartaasi ay maleegeen Shabaab,sida warka lagu yiri.

“Ciidanka Nabad Sugida iyo sirdoonka Jubbaland gaar ahaan kuwa u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa ayaa maanta miinooyinkan gaaraya Afarta ka soo saaray inta u dhaxeysa Muuse Xaaji iyo Araare, wali waxaa socda hawlgallo ballaaran oo lagu sifeynayo deeganada Argagixisadda awoodooda waxay ku soo koobantay adeegsiga walxaha Qarxa’”Ayaa lagu yiri Qoraal Warbaahinta Jubbaland lasoo dhigay.

Sikastaba Miinooyinkani waxay ciidanka soo saareen xilli Labo Isbuuc gudaheed Qooqaani iyo Kismaayo Agagaarka Via Afmadoow sidaan oo kale Miinooyin ciidanka Nabad sugida Jubbaland uga soo saareen.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE