Qaraxii labaad oo ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul caan ah oo lagu khaarijiyey

0

Qarax gaari oo ka dhacay meel ku dhow isgoyska KM4 ee Muqdisho ayaa waxaa lagu khaarijiyey mas’uul hore oo ka tirsanaa maamulka gobolka Banaadir.

Saraakiisha amniga ayaa xaqiijiyey in ma’suulka lagu magacaabo jiray Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin).

Marxuumka ayaa wuxuu ahaa Xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir, xilligii Maamulka Muungaab & Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda falkan, balse dhacdooyinka noocaan ah ayaa waxaa looga bartay dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa noqonaya midkii labaad oo maanta ka dhaca Muqdisho, iyadda oo midkii hore ay ka badbaaday Agaasimaha Isbitaalka Ciidanka Xoogga, oo dhaawacantay.