Home WARARKA Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho Galabta Oo Mas’uul Katirsanaa Maamulka HirShabelle Uu Ku...

Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho Galabta Oo Mas’uul Katirsanaa Maamulka HirShabelle Uu Ku Dhintay {MAGACIISA}

0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa Warqaad ay ka heshay Qaraxii ka dhacay galabta Degmada Xamar Weyne Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa mid gaarigiisa loogu xiray Xildhibaan katirsanaa Baarlamaanka HirShabelle,kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdi Weli Maxamed Ibraahim.

Faah faahinadaan ayaa laga helay Ehelada Xildhibaanka la dilay iyo Xildhbaano katirsan Baarlamaanka HirShabelle.

Meel udhaw Hoteel Muna oo ku yaalla Degmada Xamar Weyne ayaana la sheegay in gaari nuuca raaxada uu watay Marxuumka uu kula qarxay.

Hore sidaan oo kale Al Shabaab ayaa wadada udhaxeysa Jowhar iyo Balcad Sanadkaan Bartamihiisii waxay ku dileen Labo Xildhibaan oo HirShabelle katirsanaa kadib weerar qarax oo Gaarigooda ugu dileen.

Sidaan oo kale ayaa Xildhibaan kale oo HirShabelle katirsanaa loogu dilay Qarax ka dhacay Shabellaha Hoose Isla Sanadkaan.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE