Qarax Lagu Dilay Mas’uul Katirsanaa Jubbaland & Al Shabaab Oo Ka Hadlay

0

Ururka Al Shabaab ayaa galabta si rasmi ah usheegtay inay ka dambeeyeen Weerar Qarax oo lagu dilay Gudoomiyihii Deegaanka Raas Kambooni Gobolka Jubbada Hoose.

Gudoomiyihii Raas Kambooni Ee Jubbaland C/llaahi Diiriye ayey Al Shabaab sheegeen in Qaraxaasi ku dileen ayna dhaawaceen Askar la socotay Oo Kenyaan ahaa.

Inkastoo Xogta Shabaab ay soo bandhigeen Cadeynteeda la ogeyn hadana waxaa ay dadka qaar sheegeen inay qaraxaas ogaadeen in Gudoomiye Diiriye lagu dilay.

Xuduuda ay Wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya Meel udhaw ayuu Qaraxa ka dhacay sida la sheegay islamarkaana waxaa la tilmaamay in Al Shabaab ay sheegeen in seddex Askari oo ilaaladiisa gaarka ahaa la dhinteen iyo Ciidamo Kenyaan ah oo la socday ayaa la sheegay inay dhaawacmeen.

Ma heyno war kasoo baxay Jubbaland oo ay kaga hadlayaan weerarkaas lagu khaarajiyey Gudoomiyihii Deegaanka Raas Kambooni.