Qarax ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha+Khasaaro ka dhashay

0

Waxaa qarax lagula eegtay suuqa weyn ee Bakaaraha gaari Hoomey ah oo daawo siday kaa oo jugtiisa laga maqlay meelo badan oo kamid ah caasimada.

Qaraxa ayaa lagu soo xiray gaariga waxaana  uu dhacay qeybta lagu iibiyo Daawada ee Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoona dadka joogay Suuqa ay jugtiisa maqleen.

Khasaaraha ka dhashay ayaa lagu soo koobay hal qof oo shacab ah, kaa oo ku dhawaacmay,  waxaana gaariga la qarxiyey ee Hoomeyda uu ahaa mid siday Daawo farabadan oo lagu soo raray, taas oo uu waday goob lagu iibiyo Daawooyinka.

Burbur xoog leh ayaa gaariga gaaray, ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaana  si dhaqsi ah u gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, isla markaana xiray aaga, sidoo kalena halkaas ka sameeyay baaritaano la xiriira qaraxaas dhacay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca qaraxyo lagu soo xiro gaadiid iyo kuwo Is-miidaamin ah oo goobo lagu weeraro, waxaana qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Muqdisho, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Muqdisho-Somalia