Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

0

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Qarax ismiidaamin ah uu goordhow ka dhacay xerada Nacnaca ee ku taala degmada Wadajir.

 

Wararka hordhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu dhexgalay dhalinyaro qoraneysay ciidanka xoogga dalka, waxaana halkaaso ka dhashay khasaare kala duwan.

 

 

Lama iga sida uu goobtaasi ku gaaray qofka waxyaabaha qarxa isku soo xiray, waxaana haatan socda gurmadka loo sameynayo dadka waxyeelada ay gaartay oo u badan dhalinyaradii askarnimada qoraneysay.

Ma ahan markii u horeysay e xerada la isku qarxiyo, hore sidan oo kale ayuu qof isugu qarxiyay xili dhalinyaro ciidanimo loo qorayay.