Home WARARKA Qarax Galabta Lagu Weeraray Mid ka mid ah Xarumaha Dawlada Ee Ku...

Qarax Galabta Lagu Weeraray Mid ka mid ah Xarumaha Dawlada Ee Ku yaalla Magaalada Muqdisho

0
SHARE

Qaraxaan ayaa ahaa bambaanada gacanta laga tuuro waxaana lala eegtay Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid.

Qaraxa ayaa lasoo sheegayaa in khasaaro uu ka dhashay,qaraxa kadib waxaa lasoo bixiyey dad waxyeelo kasoo gaartay Qaraxaas.

Dad Dacwo ahaan ujoogay Xarunta ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen oo seddex qof ahaa firir bambaanada ka dhashay.

Qaraxaas ayaa la sheegay in kadib ciidamada Amniga ay howlgal sameeyeen balse ma jirin dad lasoo qab qabtay.

Kooxdii weerarka fulisey ayaa baxsaday,mana ahan markii koobaad oo Qarax lagu tuuro Xarunta Maamulka Degmada Yaaqshiid Oo khasaarana ka dhasho.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE