Qarax caawa ka dhacay Kismaayo oo Gaashaanle & Carruurtiisa lagu laayey

0

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in qarax xoogan laga maqlay caawa abaare 7:20 daqiiqo salaadii cishaha markii la adimayey.

Qaraxa oo nuuciisa lagu sheegay miinada dhejiska ah ayaa lagu qariyey albaabka guri uu ka degganaa xaafada guulwade iyadoo mar keliya jugta qaraxa laga maqlay.

Guriga la qarxiyey ayaa waxaa degganaa gaashaanle dhexe Ismaaciil Qalooc,isaga iyo afar caruurtiisa ah ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkaasi qarax.

Al Shabaab ayaa ka dambeeyey weerarka,laamaha amniga jubbaland ayaa waxay sheegeen inay wadaan baaritaan ku aadan sida ay wax udhaceen iyo kooxihii ka dambeeyey.

Kismaayo ma ahan markii ugu horeysay oo qarax saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Jubbaland lagu dilay qaarna ay ka bad baadeen,weeraradaas oo ay geysteen Al Shabaab.

Bilo ka hor Kismaayo gaari qarax loogu xiray waxaa lagu dilay sheekh caan ahaa oo howlo fidinta diinta islaamka iyo casharo diini ah ujoogay magaaladaasi,al shabaab ayaana sheegtay mas’uuliyada dilkaasi.