Qalbi dhagax oo arimo xasaasi ah ka hadlay kana digay in Farmaajo la doorto

0

C/kiriin Sheekh Muuse Qalbi dhagax oo shir jaraa’id ku qabtay casir liiqii galabta magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Arimo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Inkastoo la sheegay in salaam doorasho lagu gelayo imaanshihiisa iyo ka hadalkiisa arimahaan Qalbi dhagax hadana garnaqsi ayaa lagu sheegay muwaadinkani oo itoobiya loo gacan geliyey.

Cabdikiriin Muuse Qalbi dhagax ayaa eedeyn kala dul dhacay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isagoo ku baaqay in aan dib loo dooran.

Halgamaagani oo katirsanaa ONLF ayaa 2017-kii waxaa loo gacan geliyey Itoobiya kadib howlgal lagu soo qabtay oo laga fuliyey Gaalkacyo.

Qalbi dhagax ayaa shirkiisa jaraa’id oo muddo kabadan 20 daqiiqo hadlayey ayaa ka sheekeeyey sidii loo dhiibay,gacmihii dhiibay iyo sida qafaalka ahaa ee lagu sameeyey.

Waxa uu sheegay in dembigii laga galay uu sugayo maxkamad la keeno dadkii ku lug lahaa in isaga la dhiibo,isagoo Farmaajo sheegay in uu mas’uul ka ahaa ama uu cadeeyo waxa uu uga aamusay afduubkaasi dhacay.

C/kiriin Qalbi dhagax ayaa caro xoog leh laga dareemayey shirkiisa jaraa’id markii uu hadlayey isagoo Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday inay wax ka weydiiyaan Farmaajo dhibkii isaga loo geystay ee Dalka Itoobiya loogu gacan geliyey.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA