Puntland Oo Maanta Shan Nin Xukun Dil Toogasho Ah Ku Fulisay+Magacyada

0

Shan Nin oo lagu Eedeeyey inay ka mid ahaayeen Ururka Al Shabaab kuwaas oo xukuno Dil ah lagu riday.

Maxkamada Puntland Ee heerarkeeda kala duwan ayaa waxay Xukuntay Dil Raggaasi Maanta la toogtay.

Shanta Nin ayaa waxa lagu soo qabtay Howlgal Ciidamada Puntland ay sameeyeen,ugu dambeyna maanta ayaa la dilay.

HOOS KA AKHRISO AFAR KA MID AH RAGGA MAANTA LA DILAY

Ibraahim Guudoow Booroow

Faarax Siciid Faarax

Sheekh Cabdi C/qaadir

Xasan Laamu Aadan

Ma ahan markii ugu horeysay oo Puntland dil ka fulisey dad ay ku eedeysay inay Al Shabaab ka mid ahaayeen.

Buuraha gal gala ayey Ku Xoog badan yihiin Al Shabaab iyo Kooxda Daacish,iyadoo mararka qaar weeraro qorsheysan soo qaada oo ka dhan ah Dawlad Gobolleedka Puntland.