Puntland oo maamullo Daciif ah ku tilmaamtay Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed kana hadashay sababta

0

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqan-celinta Dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo dad odiyaal iyo siyaayiin kala hadlayay marxladda dalka iyo khilaafka doorashada ayaa shaaciyay arrimaha dhowr ah.

Wasiirka waxa uu sheegay in Dolwadda Federalka ay isku dayday iney ku dhex milanto maamulka Puntland balse ay u suurta gali weyday isaga oo xusay in Puntland ay isku dhuubantahay oo aysan lamid aheyn maamulada kale ee dalka.

Waxa uu sheegay wasiir Xaamud in xiligan ay lamid noqon lahaayeen Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug oo kale, balse hadda ay ku nool yihiin si sumcad leh, waxa uu tilmaamay halka Deni ka daganyahay Xalane iney lamid tahay Villa Soomaaliya oo madax cadaan iyo Soomaali ah ku qulqulayaan hoyga madaxweyne Saciid Deni.

“ Labadii Sano iyo dhowrkan Bilood ee Saciid Deni madaxweynaha ka yahay Puntland habeen iyo maalin madaxweyne Farmaajo iyo kooxdiisa kama nasan sidii ay puntland ku burburrin lahaayeen, arrintaas waxaan kaga hor tagnay isku duubni” Ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda Puntland

Dhanka kale waxa uu Xaamud sheegay waxa dhici lahaa hadii Nabad iyo Nolo sida ay rabto loo sameyn lahaa “Hadii Saciid Deni uusan maanta Maya yiraahdeen Nabad iyo Nolol, waxaan lamid noqon laheyn Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug, dowlado laciif ah, meel ay maamulaan aysan jirin dadkoodii la kala kaxeestay, ninkii la rabo meesha la doono loo dhiibto, ninkii la doono la ceyriyo ayeynu ahaan laheyn”

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya xili madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed ay diideen iney ka qeyb galaan shir ay Beesha Caalamka la yeelan laheyd kadib markii Farmaajo uu ku amray ineysan ka qeyb galin sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Dhabancadde.

By: Abdiaziz Loyal

Abdiazizh99@gmail.com

Muqdisho-Somalia