Puntland Oo Maamulka Jigjiga U Gacan Gelisey Taliyihii Jeel Ogaadeen

0

Cali Samare Sigad Kusimaha Taliyaha Booliska Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyey in Maanta la geeyey Jig jiga Taliyihii Xabsiga Jeel Ogaadeen.

Ninka la qabtay ayaa waxa gacanta ku dhigay ciidamada Puntland Xilli uu kusugnaa Degmada Galdogob Ee Gobolka Mudug.

Taliye Samare waxa uu galabta usheegay Idaacada VOA SOMALI in Xasan Ismaaciil Ibraahim (Xasan Dheere) Sharciga la horgeyn doono.

Waxa Loo heystaa Xasan Dheere inuu tacadiyo badan oo Kufsi iyo Dilal ku jiraan uu geystay intuu heystay Hogaanka Xabsiga Jeel Ogaadeen Ee Dadka lagu tacdiibin jiray.

Taliskii Cabdi Maxamuud Cumar Ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa loo heystaa Arimo Xasaasi Ah oo dilal iyo fadqalalo iskugu jiray.