Puntland oo ka Jawaabtay in dad Ajaaniib ah lagu addoonsado Xeebaheeda

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa beeniyay warar todobaadyadii la soo dhaafay ay warinayeen Warbnaahinta dalalka Thailand iyo Kenya oo ku saabsanaa in Shaqaale u dhashay dalalkaas lagu addoonsado biyaha Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Faarax Maxamuud Cawaash ayaa beeniyay in xeebaha Puntland lagu addoonsado dad ajannabi ah.

Todobaadkan iyo kii ka horreeyay ayaa ajaanib u kala dhashay Kenya iyo Thailand laga dhoofiyay Magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso ee Puntland waxaana ay dib ugu laabteen dalalkooda.

Wasiirku waxaa uu sheegay in 18 Thailand u dhashay oo dalkooda dib loogu celiyay ay ahaayeen shaqaale u shaqeynayay Ganacsade kalluumeysato ah oo Soomaali ah islamarkaana dalbadeen in ay dalkooda ku laabtaan loona fududeeyay.

Waxaa kale oo uu Wasiir Cawaash sheegay in 13 Kenyaan ah oo todobaadkii hore ku laabtay dalkooda ayuu Wasiirku sheegay in iyana aysan jirin cid qasabtay islamarkaana iskood ugu laabteen dalkooda.