Guddoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo war qoraal ah soo saaray ayaa jawaab ka bixiyay qoraalka madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlay doorashooyinka maamulkaasi.
Jibriil ayaa marka hore qoraalkiisa ugu mahadceliyay Farmaajo oo si weyn u boggaadiyay doorashooyinka qof iyo codka ah ee beri ka bilbaaneysa deegaanada Puntland.
“Wuu ku mahadsan yahay bogaadinta iyo hambalayada uu shacabka iyo Dawladda Puntland hawada usoo mariyey Madaxweynihii hore ee Soomaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland.
Guddoomiyaha ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya ku boggaadiyay teegeerada uu u muujiyay doorashooyinka qof iyo codka ah iyo dimuquraadiyadda Puntland.
“Waxaan lee yahay Madaxweyne Waan kugu bogaadinaynaa inaad taageertay barnaamijka Doorashooyinka iyo Dimuqraadiyada ka hanaqaaday Puntland , Mahadsanid Mudane Madaxweyne guulayso adiguna markale.” ayuu mar kale qoraalka ku yiri guddoomiyihi
Farmaajo oo xalay warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku bogaadiyey Puntland, bulsho iyo maamulba, sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo horseedaysa in dadku ay codkooda ku doortaan hoggaanka deegaannadooda.
Muqdisho-Somalia