Puntland oo dad Itoobiyan ah oo arrimo halis ah qorsheynayay dib u celisay

0

Maamulka Puntland, ayaa sheegay in ay dib u celiyeen Qaxooti Itoobiyaan ah oo ku noolaa deeganada Maamulkaasi, kuwaasi oo gaaraya illaa 3000 ruux.

Hadalkaan ayaa waxaa sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Puntland Maxamed C/raxmaan Dhabancad oo tilmaamay in dalab ka yimid dadkaan in dib loogu celiyay deeganada dalka Itoobiya.

Wasiirka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo qunsulka Ethiopia uu ku saabsanaa siyaasadda xakamaynta qulqulka muhaajiriinta u dhashay waddanka Ethiopia ee soo galaya gudaha Puntland iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi tahriibayaasha ah.

Wasiir Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay Puntland ay dib u celisay ilaa 3000 kun oo muhaajiriin Ethiopian ah kuwaasi oo dalbaday in dib loogu celiyo waddankoodi halka hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay gudaha Puntland dib uga celisay in ka badan 300 boqol oo isla muhaajiriin Ethiopiana sida wasiirku sheegay.

Waxa kale oo wasiirku sheegay in iyadoo lala kaashanayo qunsuliyadda Ethiopia ee ku taalla Garoowe uu weli socdo qorshaha dib u celinta muhaajiriinta iyo tahriibayaasha u dhashay waddankaasi ee soo galaya gudaha Puntland.

Dhinaca kale wuxuu caddeeyay in Puntland ay ka go’antahay daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi duruufaysan ee muhaajiriinta ah islamarkaana ay qunsuliyadda Ethiopia isla garteen in la xakameeyo qulqulka tahriibayaasha