Maamullada Puntland iyo Jubaland ayaa horey shuruudo ugu xiray shirar dowladdu ku baaqday iyagoo sido kale wadahadalkii ugu dambeyay ee uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ku xiray shuruud ah in beesha caalamku ku marti qaaddo shirka looga hadlayo doorashada.
Balse Daahir Isaaq Qoriyow oo ka faalooda siyaasadda ayaa qaba in hadda ay u muuqato in ay soo dhaweyn doonaan iyagoo wali laga yaabo in shuruudo u gooni ah ay la imaanayaan hase yeeshee ilaa iyo hadda ma jiro war ka soo baxay Puntland iyo Jubaland oo ay kaga falceliyeen hadalka madaxweynaha.
Aragtida ah in maamul goballeedyadu shuruudo cusub la imaanayaan waxaa isana qaba barafasoor Jibriil Cali Aw-Maxamed, oo wax ka dhiga jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka, “Dowladda gobaleedyadu inay la yimaaddaan shuruudo cusub waa wax dhacaya wadahadal iyo wadaxaajood ku saabsan qodobbadii heshiiskii 17-kii September in la keenayo waa shaki la’aan arrimahaasi xoogaa wakhti ayay qaadanayaan laakin doorashadu way dhacaysaa Soomaaliya uma furna waddo kale oo aan doorasho ka ahayn” ayuu yiri Jibriil Cali Aw Maxamed oo BBC-da u waramayay.
Madaxweyne Farmaajo ma ka maqnaanayaa wadahadallada laga yeelan doono doorashada ee Rooble hoggaamin doono?
Ma cadda wali in madaxweynaha uu kulmada arrimaha doorashada ka qeybgeli doono iyo in kale. Qaar ka mid ah dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in ku wareejinta arrimaha doorashooyinka iyo amnigeeda raysal wasarae Maxamed Xuseen Rooble aaney ka dhigneyn in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka maqnaado shirarka iyo wadahadallada laga yeelanayo doorashada maadama hadda dib loogu laabanayo miiska wadahadalka isla markaana la doonayo in wax walba lagu saleeyo heshiiskii 17-kii September ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamaul goballeedyadu wada gaareen.
Maadaama uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qayb ka ahaa heshiisyadii hore ayaa falanqeeyaasha qaar waxaa ay qabaan in aanu ka maqnaan karin kulamada laga yeelanayo arrimaha doorashooyinka ee la filayo in shaqadoodu ay billaabato wixii hadda ka dambeeya.
“Madaxweynuhu wuxuu qayb ka ahaa heshiiskii September 17-keedii ay dowladda goballeedyadu iyo dowladda federaalku gaareen, heshiiskaas dhameystirkiisana inuu qayb ka ahaado waajib waaye waxa uu madaxweynuhu wareejiyay casuumaadda shirarka magacaabista guddiyada doorashada, maamulka doorashada howlahaas ayuu raysal wasaaruhu la wareegay marka madaxweynuhu kama maqnaanayo haddi uu ka maqnaandana waxaa loo arkayaa inuu shirka xagal daacinayo” ayuu yiri barafasoor Jibriil.
Balse aragtidaas barafasoor Jibriil mid ka duwan waxaa qaba Daahir Isaaq Qoriyoow oo rumeysan in madaxweynaha Soomaaliya doodiisu ku qeexantahay heshiiskii 17-kii September iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo ay ku gaareen magaalada Baydhabo, sidaas darteed aanu tagi doonin shirarka la filayo in maamul goballeedyadu iyo raysal wasaaruhu yeeshaan.
“Waxaan filayaa in aanu shirarka horudhac ah tagi doonin laakiin uu sugayo wakhtigii uu saxiixi lahaa, nimankaan kale ee dowladd goballeedyada gobalka Banaadir iyo raysal wasaaruhu ay tafaftiri doonaan wixii oo markaa qeexan oo saxiix u dhiman yahay uu tagi doono laakin aanu ka qyabgali doonin maadama isagu oggolyahay heshiiskii hore” ayuu yiri Daahir Isaaq.
Mogadishu-Somalia