PL & Hirshabelle oo iska waayey liiska xubnaha aqalka sare ee maanta la magacaabay

0

Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansaxiyay xubnaha Aqalka Sare ku matalaya Guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgalinta Dastuurka, oo kala ah:-

  1. Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Kasoo jeeda (Galmudug)
  2. Senator Iftiin Xasan Iimaan (Baasto) kasoo jeeda (Jubbaland)
  3. Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) kasoo jeeda (Jubbaland)
  4. Senator Saalax Axmed Jaamac kasoo jeeda (Somaliland)
  5. Senator Xasan Xuseen Xaaji kasoo jeeda (KGS)

Dawlad gobolleedyada Puntland & Hirshabelle ayaa iska waayey liiska xubnaha lasoo saaray maanta maadaama ay gudoomiye kuxigeenada 1aad iyo 2aad Ee Aqalka sare ku kala fadhiyaan ayaana loo sababeeyey in looga reebay guddigaan.

Guddigaan ayaa waxay ku biiri doonaan guddiga shanta xubnood ah ee ka imaanaya golaha shacabka oo iyaguna 5 xubnood ah,islamarkaana ka shaqeyn doona arimaha dastuurka iyo dhameystirkeeda.