Nin lala xiriirinayo Kufsigii Xamdi Oo La qabtay (Magaciisa)

0

Ciidamada Booliska ayaa waxay ku qabteen Magaalada Cadaado Ee Gobolka Gal gaduud nin la sheegay in lala xiriirinayo Kufsigii loo geystay Marxuum Xamdi Faarax.

Gabadhaasi ayaa Jimcihii 11 bishaan lagu kufsaday kadibna dabaq laga soo tuuray Degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Taliye Kuxigeenka Booliska Soomaaliya Sakiya Xuseen Axmed ayaa maanta qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook waxay sheegtay in Maxamed Ibraahim Cusmaan la hayo.

Ninkaan magaciisa la shaaciyey ayaa baxsad ka ahaa Muqdisho waana 24 sano jir la sheegay in lagu tuhmayo kufsigaasi inuu ka qeyb ahaa.