Nin Gabar uu shukaansanayey Dilay Magaalo Katirsan Soomaliland

0

Ugbaad Cali Dhaban-loox, oo ahayd gabadh Dhallinyaro ah oo xalay lagu dilay Burco ayaa meydkeeda la dhigay Cisbitaalka guud ee Burco sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Cisbitaalka Dr Cabdi Suudi.

Ninka ku eedaysan dilka gabadhan ayaa isna Ciidamada Boolisku gacanta ku hayaan.

Ilaa hadda ma cadda sababta Wiilku u dilay gabadha Ciidamada Booliskuna waxa ay sheegeen in ay gacanta baadhitaanka ku hayaan arrintan.

Ugbaad, oo ahayd Hooyo saddex Carruur ah dhashay balse ninkii hore ay kala tageen ayaa la sheegay ninkaan hadda eedaysanaha ah ay sheeko wadaag ahaayeen.

Dadka ku dhaqan Burco ayaa aad u hadal haya falkaan naxdinta ah ee hooyadaasi nafteeda lagu dhaafiyey.