Muxuu Yiri Kadib Xilka Qaadistii Dhoobo Daareed+War Xasaasi Ah

0

Xildhibaanada Puntland ayaa kulan deg deg ah ay manta ku yeesheen Magaalada Garowe waxay xilkii uga tuureen Gudoomiyihii Wakiilada Maamulkaasi.

Inkastoo la fahansan yahay in Mooshinka Xilka qaadista uu ka yimid dhinaca Madaxweyne Dani dhaqaale Labaatan kun dollar ahna uu ku bixiyey ayaa hadana waxa la helay War kasoo baxay Gudoomiyihii la riday.

C/xakiin Maxamed Axmed (Dhoobo daareed) ayaa waxa uu sheegay in Caasimadii Garowe ay noqotay mid isbadeshay,Dawlad Gobolleedkii Puntland Ee La wada lahaana uu reer iyo beelo gaar ah iska yeesheen.

Waxa uu Dhoobo daareed sheegay inay hadda kadib isku tashan doonaan isagoo ula jeeday Arinta Maamul ahaan kasoo galeysay Deegaanada uu kasoo jeedo.

Waxa lasoo sheegayaa in Xiisad ka dhalatay Xilka qaadistaas manta dhacday ay Ciidamada Amaanka Garowe ka hortegeen,sidaasna ay Cid kasta oo Dawlada Dhexe inay garab siineyso la arko looga tuurayo meesha.

26-kii Bishii Hore ayaa Kalfadhiga 45aad uu furmay xilligaas wixii ka horeeyey ballaayo kama jirin inkastoo Karaash iyo Dani isku dhaceen hadana waa lawada dhaqmayey oo siyaasada iyo Howlaha Shaqo waa ay socdeen.

Kadib Su’aashii ka careysiisay Madaxweyne Dani Maalintaas Sabtida aheyd labo isbuuc ka hor waxay ka dhigtay in Awood ahaan uu isticmaalo,waa tii la cafiyey Culeys Xilka looga tuuri rabay dhacay Xildhibaankii su’aasha gudbiyey Ee Cawil Daad.

XAGEE USOCOTAA SIYAASADA PUNTLAND?