Muxuu ugu jawaabay Deni guddi gaar ah oo kala hadlay dagaalka Garoowe?

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan hoose la yeeshay guddi gaar ah oo Baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo ay soo gudbisay xukuumadda.

Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in Baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka.

Wararka ayaa xaqiijinaya in Siciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25 Feb 2024 tan Baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah.

Tallaabadan ayaa imaanaysa, iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas.

Muqdisho-Somalia