Home WARARKA Muxuu Taliyaha CXD kala kulmay booqashada deegaanka Baar-Sanguuni oo dhowaan lagu dilay...

Muxuu Taliyaha CXD kala kulmay booqashada deegaanka Baar-Sanguuni oo dhowaan lagu dilay askari Mareynkan ah?

0
SHARE

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxay booqdeen deegaanka Baar sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo halkaasi oo dhawaan lagu dilay askari ka tirsan Ciidamada Mareynkanka.

Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland, waxaana ay kulan la qaateen madaxwaynaha Jubbaland, kaas oo looga hadlay dar-dargalinta hawlgallada ka dhanka ah Maleeshiyada AL-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale kormeeray deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka Kismaayo, halkaas oo dhawaan ciidamada ammaanku ay ku fashiliyeen qarax la doonayay in Saldhigaas lagu weeraro.

Gen Gorod ayaa ciidamada ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaaladii ay ku qaadeen maleeshiyada Al-shabaab Bisha Ramadaan ee ka dhacay Gobolada Jubooyinka, Baay, Bakool, Shabeelooyinka iyo Hiiraan, kuwaas oo lagu dilay in ka badan 120-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab.

Socdaalka Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa la xiriira xoojinta hawlgalada ay ciidamadu wadaan iyo sidii tababaradooda iyo qalabkooda sare loogu qaadi lahaa.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

SHARE