Muxuu kusoo dhamaaday Kulankii Shariif Xasan & Guddoomiye Mursal?

0

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Amb Mohamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Hoygiisa ku Qaabilay Madaxweynihii Hore ee Maamulka Koonfur Galbeed sidookalena ah Gudoomiyaha Xisbiga Horu-socod Qaran Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulankooda waxay isla soo qaadeen xaaldaha Guud ee dalka iyo arimaha Doorashooyinka 2021.

Si faah faahsan looma sheegin waxa kasoo baxay shirkaasi Shariif iyo Mursal dhexmaray.

Ololaha Doorashada Soomaaliya ayaana aad looga dareemayaa Magaalada Muqdisho iyadoo Murashax walbo uu doonayo inuu guul gaaro.