Muxuu ku saabsanaa kulankii Ra’isul Wasaare Rooble iyo mas’uuliyiin katirsan UK ee ka dhacay London?

0

Waxaa maanta kulan ku yeeshay magaalada London ee dalka Ingiriiska Ra’isul Wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble oo uu weheliyo Wasiirka Waxbarshada iyo Alice Albright Maamulaha Guud ee  Sanduuqa Iskaashiga Caalamiga ee Waxbarashada UK.

Soomaaliya iyo UK ayaa ka wada hadlay horumarinta mashaariicda waxbarashada Soomaaliya iyo istiraatijiyadda taakuleynta waxbarashada Soomaaliya ee shanta sano ee socota.

Wasiirka Waxbarashada Somalia oo kulankaas ka dib warbaahinta ayaa sheegay in wadahadalkaas uu guul ku soo dhamaaday, la iskuna afgartay qodobadii la isku soo qaaday.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo Wefdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan magaalada London ee dalka Britain, halkaasoo uu uga qeyb galayo Shirka Caalamiga ah ee sara u qaadista tayada waxbarashada carruurta.

Dhanka kale waxaa la filayaa in Ra’isul Wasaare Rooble uu kulan la yeesho Ra’isul Wasaaraha Britian Borin Johnson iyo waliba jaaliyadda Soomaaliyeed ee London ku dhaqan.

Muqdisho-Somalia