Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray wasiir ka tirsanaa jiray Somaliland kadib markii uu wasiirkaasi qaatay go’aan aad usoo jiitay madaxweyne farmaajo sida u shaaca ka qaaday ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa goob fagaara ah ka sheegay in madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo u qadka teleefanka uga hambalyey wasiir Maxamed Jaamac Abgaal oo muda sadax sana ah wasiir ka ahaa Somaliland isla markaana dhawaan dalbaday in laga cafiyo lacaga dadweyne u cunay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-ga:

Wasiirkii hore ee wasaaradda boostaha iyo isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal ayaa horay u sheegay in uu xanuuno ka qaadey lacago xaaraan ah oo uu qaatey muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaasi.

Nagala Soo Xiriir Warqaadteam@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.