Muungaab oo si kulul uga hadlay guddiga Farmaajo magacaabay iyo khalad sharci ah oo ku jira

0

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil waxana uu sheegay in Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay tahay tan sharciga u leh inay qaado kiiska Ikraan.

Muungaab ayaa waxa uu qoraal uu soo dhigey bartiisa ku sheegay in uusan jirin meel uu xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ka soo geli karo Kiiska Ikraan Tahliil waxana uu ugu baaqay xeer ilaaliyaha inuu faraha kala baxo.

Qoraalka uu Maangaab soo saaray ayaa u qornaa sidan;

Alle ha u naxariisto Ikraan Tahliil Faarax, waxaan tacsi u dirayaa Ehelkeeda, Asxaabteeda iyo dhammaam umadda Soomaaliyeed. Samir iyo Iimaan Allah naga wada siiyo.

Sharci ahaan, marxuumad: Ikraan waxay ahayd sarkaalad ka tirsan Ciidanka Hay’adda NISA, sidaas daraateed, Qaadista Dacwada kiiskeeda waxay u gaar tahay (Ikhtisaas u leh) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 2-aad ee XHCCQS.

Xeerilaaliyaha Guud ee CQS wuxuu u dhigmaa Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka wixii la xiriira Xubnaha Ciidamada Qalabka Sida, sida ku cad Qodobka 1-aad ee Isla Xeerka HCCQS.

Muqdisho-Somalia