Musharrixiinta “Farmaajo waa madaxweynihii hore”+xiisad cusub

0

War qoraal ah oo ka soo baxay midowga musharrixiinta ayaa Farmaajo loogu aqoonsaday inuu yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Midowga Musharaxiinta madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Farmaajo aysan u aqoonsan doonin madaxweyne wixii ka dambeeya 8-da bishan Febraayo ee sanadkan 2021-ka.

Go’aankani ayaa ka dambeysay markii wadahadaladii xalka loogu raadinayey khilaafka doorashooyinka ee Dhuusamareeb ku qabsoomay todobaadkii aynu kasoo gudubnay ay natiijo la’aan kusoo idlaadeen.

Sidda ku xusan qoraal wadajir ah oo musharaxiinta daabaceen, tartameyaasha oo isugu jira madaxweyneyaal, ra’iisul wasaare iyo siyaasiyiin kale ayaa si weyn uga soo horjeeda in muddo kororsi loo sameeyo dowlada.

Musharaxiinta ayaa dalbadey in la sameeyo gole heer qaran oo waddanka ka samata bixiya mar-xaladda kala guurka ah ee uu ku jiro.

Golahaas waxay tibaaxeen in uu ka koobnaanayo labada gudoomiye ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sarre, madaxweyneyaasha maamuladda, wakiilo ka socda Musharaxiinta iyo Ururadda Bulshadda Rayidka ah.

Bayaanka ayay ku caddeeyeen in golaha uu waajibaadkiisa noqon doono in uu ka shaqeeyo jadwal la isla ogol-yahay oo doorashadda ah.